Uncategorized

Shirka Amniga oo Garowe ka furmaya.

Garowe-KNN-Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo amaanka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galayaa Wasiir ku xigeenka amaanka Soomaaliya iyo Wasiirada amniga maamul Gobaleedyada Dalka.

Waxaa lagu wadaa in shirkaas laga soo saaro War-murtiyeed ku aadan Natiijada Shirka.

Qatarta Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka mid ah waxyaabaha shirka looga hadlayo, sidoo kale Shirka ayaa looga hadlayaa sidii ay wadashaqayn u yeelan lahaayeen hay’adaha amniga Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada.