Uncategorized

Shirka Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya xarunta Madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhaw uu furmay Shirka amniga Qaranka oo maanta la dhowrayay xiliga uu furmayo.

Shirkaan oo hadda furmay ayaa waxaa  Shir Guddoominaya Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi laahi Farmaajo.

Shirkaan oo ay ka qeyb  galayaan Dhamaan Madaxa maamul goboleedyada dalka, reysul wasaaraha xukumada fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Wasiirrada Caddaaladda, wasiirka Arrimaha Dibadda, wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Gaashaandhigga, wasiirka Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xaaladda amni ee dalka, sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah iyo qaabka ay u dhici doonto doorasho qof iyo cod marka lagaaro sanadka 2020-ka.