Somali News

Shirka arrimaha bani’aadannimada oo ka furmay Baydhabo

Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa si rasmi ah uga furmay shirka madasha arrimaha bini’aadannimada dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo oo goor sii horeysay oo maanta ah Beydhabo gaaray ayaa shirka furay.

Inta shirkaasi uu socdo ayaa aad looga hadli doona xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa in war murtiyeed qeeyaxaya waxyaabihii la isla gartay laga soo saaro.