Dhuusamareeb-KNN-Shirka dib u heshiisiinta beelaha degan Galmudug ayaa weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud oo uu dhowaan ka furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Goobta uu ka socdo shirka dibu heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa ku sugan ergooyin badan oo kala yimid deeganada Galgaduud iyo Mudug.
Shirka ayaa maalmihii dambe waxaa looga hadlayay arrimaha dibu heshiisiinta iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee ku nool deegaannada Galmudug.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo Shirka dib u heshiisinta beelaha degan Galmudug, iyadoona lagu in shirkaasi uu soo xiro R/wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hada ku sugan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.