Somali News

Shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta lagu wadaa  inuu magalada  muqdisho  ka furmo shirka madashada  Wada-tashiga Soomaaliya,kaasi oo lagu Casuumay ku dhawaad  50 Dowladood oo ka Qeyb gali Doona Shirka oo Maalmo ka socon doono magalada muqdisho gaar ahaan xerada xalane

Shirka oo ka kooban dhowr qeyb ayaa maanta waxaa uu u dhaxeeya hay’adaha caalamiga ah ee dowlada taakuleeyo  iyo dowlada soomaaliya, waxaana shirkan daahfuraya  R/wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Shirka ayaa inta uu Socdo Waxaa looga hadli Doono Qodobo ay kamid yihiin Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasada, Dib u dhiska Dalka, Kordhinta Taageerada Caalamka ee Soomaaliya iyo Qodobo kale.


Shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray  Wafdi ka socda Maamul gobaleedyada iyo hay’ado caalami ah.