Somali News

Shirka Dhuusamareeb oo goor dhow furmaya iyo wararkii u dambeeyey

Dhuusamareeb-KNN-Shirka Wadatashiga madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa goordhow ka furmaya magaalada Dhuusamareeb, iyadoo shirka uu kadib dhacay waqtigii uu u qorsheeyay Madaxweyne Farmaajo.

Dhammaan madaxda ayaa hadda ku sugan madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo shirku uu ka furmayo , waxaana looga yeeray saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa horay u qorsheeyey in shirkaas furmo 1-dii bishan ilaa 3-da Febraayo, balse in maanta uu furmo oo bishu tahay 3 Febraayo waxay ka dhigan tahay in shirku maalmo cusub qaadan doono, isla markaana uu dib uga dhici doonto jadwalkii horay loogu qorsheeyay shirkaas.

Shirka oo xalay fiidkii la filayay inuu furmo ayaa dib u dhacay, kaddib markii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay safar ku soo galay Dhuusamareeb ay ka cudur daarteen in xalay la furo shirkaas, sababo la xiriira inay daalan yihiin.

Hadii shirka oo maanta furmaya uu laba cisho iyo dheeraad ku darsado waxaa dib u dhac ku imaan doona balantii Madaxweyne Farmaajo ee baarlamaanka labada Aqal inuu khudbad u jeedin doono 5-ta bisha Febraayo oo ku beegan maalinta Jimcaha ah.