Somali News

Shirka dib Uheshiisiinta KG oo lagu wado inuu maanta ka furmo Baydhabo.

Waxaa Lagu wadaa in maanta magalaada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah mamulka Koonfur Galbeed uu kafurmo shirka dib uheshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Somalia, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyey ee shirka maanta furmaya sida qorshuhu yahay, laamaha amaanka ayaa si weyn u adkeeyey amniga guud ee Magaaladaasi.

Shirka waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin kala duwan sidoo kale xogga hordhac ayaa sheegaya in siyaasiyiinta kasoo jeeda koonfur galbeed ay kusugan yihiin magaalada baydhabo iyagoo maanta tagaya goobta shirka lagu qabanayo.

sidoo kale madaxweyaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo wafdi hordhac u ah ay shalay kadageem magaalada Baydhabo ayaa Lagu wadaa in baydhabo uu gaaaro isagoo qeyb kanoqon Doona masuuliyiinta shirkaas kaqeyb galaysa.

Magaalada Baydhabo waxaa horey ugu sugnaa masuuliyiiin uu kamid yahay gudoomiyaha BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Guddiga qaban qaabada shirka dib uheshiisiinta siyaasiiyiinta koonfur Galbeed Ee uu gudoomiyihu magacaabay waxayna gudiga wadeen maalmihii lasoo dhaafay qaban qaabada shirkaasi.

Baydhabo ayaana marti galineysa gogol xal loogu raadinayo xiisad dhawaan magaladaasi ku dhexmartay siyaasiyiinta isdiidan ee Koonfur Galbeed iyadoo lafiyo in maanta Hoolka shirka ay gaaraan madax katirsan DFS, siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur galbeed iyo dhinacyada kale ee shirka kaqeyb galeya.