Beinjing-KNN-Shirka iskhaasiga wadamada Afrika iyo Shiinaha ayaa maanta waxaa lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Beinjing ee caasimadda dalka Shiinaha.
Shirkan ayaa diirradda waxaa lagu saari doonaa arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aamo kor uqaadi kara dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.
Ilaa 53 dal oo afrikaan ah ayaa sanadkan ka qaybagalaya, Soomaaliyana waxaa matalaya wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


