Uncategorized

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta lagu wado in la soo gaba-gabeeyo.

Muqdisho-KNN-Gelinka hore ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo Shirka golaha amniga qaranka oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, waxa uuna shirka qaatay waqti dheeraad ah.

Shirkaan oo lagu waday in la soo gaba-gabeeyo shalay gelinka dambe ayaa lagu daray saacado dheeraad ah waxaana lagu wadaa in maanta la soo gaba-gabeeyo shirka lagana soo saaro war-murtiyeed lagu cadeeyay wixii lagu heshiiyay.

Madaxda qaranka iyo kuwa maamul gobaleedyada ayaa wada dadaalo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka ka taagan Dalka, gaar ahaan amaanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo arimaha Bini-aadinimada.

Inta badan qodobadii lagu heshiiyay shirarkii kan ka horeeyay ayaa wali dhaqan gelin, waxaana dhinacyada isku eedeynayaan ka dhabaynta qodobadii lagu heshiiyay.