Somali News

Shirka golaha wadatshiga qaran oo xalay is faham waa kusoo dhamaday.

Muqdisho-KNN-Shirkii Golaha Wadatashig qaran oo xalay dib uga furmay magaalada muqdisho gaar ahaan Hotelka Decale ayaa goor danbe oo xalay ah soo gabagaboobay,  kaa oo illaa iyo hadda wax heshiis ah oo la gaaray aysan jirin sida ay usheegeen KNN qaar kamid ah masuuliyiinta shirka ka qeeyb geleeysay.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale shegay in maanta  oo Sabti ah shirka golaha wadatashiga qaran sii socon doono, dooda ugu adagna ay noqon doonto arinta amniga oo la aaminsan yahay in ay tahay mid ay isku fahmi la’yihiin madaxda maamul goboleedyadda, gobolka banaadur iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa il gaar ah ku wada eegaya natiijada kasoo bixi doonta shirkan u dhaxeeya Raysal wasaare Rooble, shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.