Somali News

Shirka Golaha wasiirada Koofur Galbeed oo looga hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyey Shir Golaha Wasiirada maamulkaas uu yeeshay maanta oo looga hadlay xoreynta deeganada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo dowladda federaalka ka tirsan, waxaana socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.