Somali News

Shirka golaha wasiirada oo la sheegay in la baajiyay.

Waxaa Maanta oo Khamiis ah baaqay shirka Golaha Wasiirradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la filayay in wasiirada la horgeeyo ilaa 15 safiir oo loo magacaabay dalal kala duwan oo caalamka ah  si loo meelmariyo.

Lama oga sababta ka dambeysay in la baajiyo kulanka golaha wasiirada, inkastoo, farriimo loo diray Wasiirada, islamarkaana lagu wargeliyay in shirka dib loo dhigay, sida ay KNN u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Tirada safiirradan oo markii hore ahaa 12 safiir lagu soo kordhiyay 4 safiir kaddib markii kulankii kan ka horeeyay ay ka biyo diiddeen in ay meel mariyaan qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiiradda oo sheegay in 12ka Safiir aan lagu saleynin habka ay dowladdu u dhisan tahay ee 4,5

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda muddo xileedkeeda Dastuurka ah waxaa ka horsan wax ka yar dhowr iyo Labaatan cisho.