Somali News

Shirka Golaha Wasiirada oo Maanta ka dhacaya Garoowe

Garoow-KNN:-Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Maalinimadii Shalay aheed gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa Maanta halkaasi in uu uga qabsoomo Shirka todobaad laha ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wafdiga Golaha Wasiirada ee Shalay Gaaray Garoowe waxaa hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana horay Magaalada usii joogay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Shirkan ayaa ku sigtay inuu baaqdo, kadib Khilaaf lixaad leh oo ka dhashay Dhagax dhigii Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug,Puntland ayaana ka xumaatay In Ra’iisul Khayre uusan dhagax dhigin Dekadda, warar hoose ayaana sheegaya in arintaa owgeed ay uu Shirkani qalqal ugalay.

Inta aysan Muqdisho ka bixin Golaha Wasiirada waxaa la sheegay in tiro dhowr jeer duyuuradda ay ku safri lahaayeen la hakiyay, waxaana ugu danbeeyntii iyada oo Shaki badan jiro ay Wasiiradu usafreen Magaalada Garoowe.

Sida KNN ay u xaqiijiyeen ila lagu kalsoonaan karo, Wadahadalo Soo gaaray xalay Galinkii danbe oo udhaxeeyay Madaxda Dowaladda dhexe iyo kuwa Puntland ayaa ugu danbeeyntii lagu go’aamiyay in Shirka uu Khamiista Maanta ah Qabsoomo.

Ugu danbeeyn Xalay sidoo kale waxaa baaqday xaflad lagu waday in ay ka dhacdo Magaalada Garoowe oo loogu dabaal dagayay Sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegatay Markii la unkay Maamulka Goboleedka Puntland, waxaana baaqashad Xafladan horseeday guuxa Siyaasadeed ee ka dhashay Dhagax dhiggii Dekadda Garacad.