Waxaa maanta markii ugu horaysay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu degmada Baran ee gobolka Sanaag uu ku qabtay shirkii golaha Wasiirada ee Maamulkaasi.
Shirkan ayaa waxaa lagu ansixiyay xeerka ganacsiga ee Maamulka Puntland oo ay Wasaarada ganacsiga Puntland ay soo hor dhigtay golaha Wasiirada Maamulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa soo kormeeray dhamaan xarumaha dowladda ee degmada iyo goobta ay ka socoto wajiga labaad ee dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo.