Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Shirka Gudoomiyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka socda Dalka Koonfur Afrika.

Johannesburg-KNN-Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka qeyb galaya shirka Gudoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ee ka socda dalka Koonfur Afrika waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Gudoomiyaasha Baarlamaanada Afrika.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaraya arrimo muhim ah oo quseeya qaarada Africa gaar ahaan dhalinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaalaha .

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Shirka Khudbad ka jeediyay waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Fursad la siiyo dhalinyarada Afrika oo ay kaga qeyb qaataan siyaasadda iyo dhaqaalaha.

“bulshada Soomaaliyeed 70% in da’dooda waxay ka hooseeysaa 30 jir halka 42%da’doodi u dhexeyso 14 ilaa 29 kuwaasi oo ay horyaalaan arrimo badan oo xal u baahan”, Ayuu yiri Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo waxaana la filayaa in geba gebadiisa laga soo saaro qodobo dhowr ah oo muhim ah dhalinyarada Qaaradda Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Qaraada.