Somali News

Shirka IGAD oo diiradda lagu saaray waxkaqabashada Arrimaha Abaaraha.

Xubno ka socda urur goboleedka IGAD, oo ay ku jiraan xubno matalaya waddamada Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi waxey kaga hadleen arrimaha bini’aadantinimada, siyaasadda iyo ammaanka gobolka.

Xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhigtay in ka badan 23 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya cunto yari ayaa xudunta u ahayd shirkii 39-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dalalka gobolka looga baahan yahay inay la dagaalamaan xaaladda abaarta.

“Abaarta, tii ugu darneyd muddo 40 sano ah, ayaa xoojisay cunto yarida, waxay qallajisay kheyraadka biyaha iyo barakaca dadka, taasoo sare u qaaday xiisado dhalin kara isku dhacyo cusub,” ayuu yiri Kenyatta. “Waxaan si degdeg ah ugu baahannahay inaan maareyno abaarta ka hor inta aysan noqon mid khatar ah oo sii labalaabta.”

Qeybo ka mid ah gobolka ayaa afar xilli oo xiriir ah roob la’aan ah, taasoo ku qasabtay malaayiin qof inay u guuraan cunto, biyo iyo baad. Hogaamiyaha Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa sheegay in abaartu ay si weyn u saameysay gobolka iyo nolosha dadka.

“Haddii aanaan wax ka qaban xaaladda abaarta, waxay noqonaysaa tii ugu darnayd ee aan aragnay muddo 40 sano ah,” ayuu yiri hoggaamiyaha. “Abaartu waxay dilaysaa dadkeenna iyo xoolaheenna. Abaarta ayaa iyana sabab u noqotay horumarka aynu ku jirno”.

Meertada 39 aad ayaa maanta galay maalinti 2 aad iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha amaanka,bani,aadannimada iyo waxkaqabashada colaadaha kajira gobalka.

Somalia waxaa shirka iGAD kumatalaya Reysulwasaare kuxigeenka xukuumaddii xilgaarsiinta Mahdi guled iyadoo lagu wado dhamaadka shirka in laga soo saaro warmurtiyeed soo koobaya waxa looga hadlay shirka urur goboleedka IGAD.