Somali News

Shirka maalgashiga Puntland oo ka furmay Garowe

Garowe-KNN-Shirka maalgashiga Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa ka qaybgalaya maalgashadayaal, iyada oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi iyo khayraadka gobolka uu ka arimiyo maamulka Puntland.

Shirkan waa midkii u horreeyay ee noociisa ah oo ka dhaca Puntland, waxaana furay Madaxweynaha Dani, iyadoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulkaas, sida madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo xubno ka tirsan goleyaasha maamulka Puntland.  

Madaxweyne Dani, oo dhawaan kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa markii uu soo gaaray Garowe waxa uu sheegay in shirkaas uu usoo jiidayo Puntland maalgashadayaal caalami ah.