Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafuud ka socda madaxda dowlad goboleedyada kala ah Hirshabelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland.
Wafuudan ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan shir uu dhawaan iclaamiyay R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo lagu balamay inuu Muqdisho ka qabsoomo maanta khamiis ah, Taariikhduna ay ku beegan tahay 20 May.
Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii arrintaasi xal waara looga gaari lahaa.
Qaban qaabada shirka uu iclaamiyay R/wasaare Rooble ayaa waxaa uu haatan ka socdaa magaalada Muqdisho.
Xalay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, kaasi oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya
Maanta ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka uu dhawaan iclaamiyay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu


