Somali News

Shirka madasha aragti wadaagga oo galay maalintii labaad

Shirka madasha aragti wadaagga ee ka soconaya magaalada Garoowe  ayaa galay maalintii labaad, waxaana maanta la filayaa in khudbado ay ka jeediyaan madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madax kale oo ka qeyb galaysa shirka.

Sidoo kale waxaa maanta lagu wadaa in kulamo gaar gaar ah ay yeesheen madaxda ka qeyb galaysa kulanka, iyagoona si weyn ugu hadli doono xaalada kala guurka uu xiligan marayo dalka iyo arrimaha doorashooyinka

Lama oga in maanta  la soo gaba gabeyn doono iyo in kale, balse waxaa suurtagal ah in beri uu gaaro shirka.

 Doodda shirka sanadka ayaa ku qotonta “sidee looga bixikaraa ku-meelgaar-nimada daba-dheeraatay sanadka 20205″.

Shirka waxaa qayb ka ah Madax ka socota DFS, Madaxweynayaal hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwo ka tirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah, masuuliyiin ka socda bulshada rayidka ah, culimo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madasha Heritage sanadkan, waxaa looga doodi doonaa Xasilinta Dalķa, dhameystirka Dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida Nidaam federaal oo shaqeynaya.