Somali News

Shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ayaa goor dhaw si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho caasimadda dalka, waxaana ka qeyb-gelaya in ka badan 50 dowladood oo dhammaan taageera Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno matalaya maamul goboleedyada ka jira dalka qaarkood.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa furay shirka,waxaana looga hadlayaa aArrimo ay kamid yihiin,horumarinta dalka Soomaaliya sida, amniga, dhaqaalaha, arrimaha  bulshada, cadaaladda siyaasadda iyo arimo kale.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynahaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu waday in ay kasoo qeyb galaan shirka ayaan soo xaadirin sababo la xiriira khilaaf kala dhaxeeya dowladda dhexe, iyadoo ay ka qeyb galeen shirka xubno uu ka mid yahay Madaxweyne Waare oo maamul goboleedyada kale ku matalaya shirka.

 shirka oo mudo labo maalmood ah ka soca doona xerada Xalane ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan maalinta barrito, iyagoo halkaas khudbado ka jeedi doona sida ay horay u shaacisay dowladdu.