Somali News

Shirka madaxda DF iyo DG oo galabta ka furmaya Dhuusamareeb iyo wararkii u dambeeyey

Dhuusamareeb-KNN-Galinka dambe ee maanta ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo shirka madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo kuwoodii ugu dambeeyay qaarna gaareen Dhuusamareeb qaarna ay hadda ku sii socdaan.

Madaxda dowladda federaalka sida madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo guddomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa maanta gaaray Dhuusamareeb, waxaana galabta ku soo wajahan madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Waxyaabaha looga hadli doono shirka waxaa kamid ah heshiiskii madaxda ay ku gaartay Muqdisho 17-kii bishii September, xiisadda ka taagan gobolka Gedo iyo arrinta ku saabsan xubanaha guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo madaxweynaha Galmudug u diray codsi ah in lagu casuumo shirkaas ayaa wararku waxay sheegayaan in aan laga aqbalin codsigaas, isla markaana shirkadaha duullimaadyada lagu war-geliyey in aysan Cabdi Xaashi u qaadi karin Dhuusamareeb.