Uncategorized

Shirka Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Gobolleedyada oo maanta ka furmaya Muqdisho

Muqdisho–KNN--Shirka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ayaa Gelinka dambe ee Maanta ka furmi doona Madaxtooyada Soomaaliya sida ay noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadli doonaa Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xalinta Khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo sidii Dowladda Dhexe iyo Maamul Gobolleedyada ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab si dalka uu u noqdo Nabad Gelyo loogana saaro Al-shabaab.

Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada ayaa Gelinka hore ee Maanta imaan doona Muqdisho intooda badan,iyadoo Shalay Magaalada Muqdisho uu yimid Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirkaan oo horay uu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu socon doono Mudo ku siman Labo illaa Saddex Cisho,waxaana la aaminsan yahay in Mudada uu socdo Shirka ay Hareyn doonaan Buuq iyo kala Qeybsanaan Madaxda Dhex-dooda ah.