Uncategorized

Shirka Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Gobolleedyada oo Maalintii 2-aad galay

Muqdisho–KNN– Iyadoo Shalay Madaxtooyada Soomaaliya uu ka furmay Shirka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa Maanta Shirkaas wuxuu galayaa Maalintii Labaad.

Shirka Shalay ayaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in Xal laga gaaro Khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Gobolleedyada,waxaana Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada la sheegay in mid kasta uu ka hadlay waxa keenay Khilaafka iyo in Madaxda Maamul Gobolleedyada ay Kismaayo ku shiraan iyo Go’aanada ay ka qaateen Khilaafka wadamada Khaliijka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada ay shirka ka sheegeen in Dowladda Dhexe aysan wax la tashiyo ah kala sameyn Arrimaha Siyaasadda,waxaana sidoo kale ay dhaliileen Door ay sheegeen in Dowladda dhexe ay ka qaadatay Maamul Gobolleedyada qaar oo Khilaaf uu hareeyay.

Shirka ayaa lagu wadaa in Berri la soo gaba gabeeyo islamarkaana Dhimacyada Shirsan ay soo saaraan War-murtiyeed ay ku heshiiyeen,iyadoo marka laga soo tago Khilaafka Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ay tahay Arrinta kale ee ugu weyn ee laga hadlayo sidii la iskaga kaashan lahaa Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.