Garoowe-KNN-Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda ayaa lagu waddaa in uu Saaka Shir uga furmo Magaalada Garowe ee Gobalka Nugaal .
Maamulada ,Puntland,Galmudug,Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Magaalada Garowe, halka Maamulka Hirshabelle uusan ka qeyb galeynin Shirka ka dhacaya Magaaladaasi.
Shirka ayaa Maanta waxaa looga hadli doono Arimaha Dastuurka, siyaasada dalka, doorashada 2020 iyo qodobo kale sida uu warbaahinta u sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.
Amaanka wadooyinka Soo gala Goobta uu shirka ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinkaasi lagu arkayo ciidamo aad u fara badan.


