Uncategorized

Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada oo maanta Baydhabo ka furmaya.

Baydhabo-KNN-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo Shirka madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Shirkaan oo ah kii ay isugu yimaadaan Maamul Gobaleedyada tan iyo Markii Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada looga dhawaaqay Kismaayo waxaana looga hadlayaa xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Dowlada dhexe iyo Maamul Gobaleedyada.

Dhinacyadaan ayaa kawada hadli doona culees ay sheegeen iney kala kulmayaan Dowladda Soomaaliya, culeeska ayaa ku qotoma Awoodaha Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay warbaahinta u sheegay iney ka arinsan doonaan Amaanka, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo arimo kale.