Uncategorized

Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada oo Xalay ka furmay Magaalada Kismaayo”Sawiro”

Kismaayo–KNN–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xalay si rasmi ah u furay shirka Nabada iyo wadatashiga ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Munaasabada furitaanka shirkan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Dowlad Goboleedyada dalka xubno kasocday labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo Masuuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo furay shirka ayaa sheegay in uu rajaynayo in wax wanaagsan oo Soomaaliya Anfaca shirkan ay kasoo baxaan isagoo u rajeeyay umada Midnimo iyo wadajir.

Madaxweynahu wuxuu ka sheekeyay marxaladii kala duwanaa ee dalkan uu soo maray iyo waxyabahii sababay in la qaato nidaamka Federaalka ah isagoo xusay in mar walba oo talaabo hore la qaado Dowladnimada loo sii dhawaanayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah looga baahan yahay in ay nidaam Dowladnimo ahaan iskula falgalaan oo la tashiyada iyo iska warqabka la badiyo si ay u yaraadaan khilaafyada sababi kara in wadankeenu uu dib u dhac kale la kulmo.