Somali News

Shirka musharixiinta madaxweynaha oo maanta la soo gabagabey-nayo

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo shirkooda galay maalintii saddexaad ayaa maanta lagu wadaa  in la soo gabagabeeyo shirkooda, iyadoo la filayo  in laga soo saaro war murtiyeed.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in shirkan ay maanta ku biiri doonaan Guddoomiyaha Aqalka  Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo si weyn uga soo horjeestay Guddiyada doorashada.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Ururada bulshada rayidka ah, culimaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka.

War qoraal ah oo ay xalay musharixiiinta ay si  wadajir ah  u soo saareen ayeey maamul gobolleedyada dalka, kaga dalbadeen  in ay ka saaraan guddiyada ay soo magacaabeen xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka, kuwaa oo aan buuxin ayeey yiraaheen sharuudaha ka mid noqoshada guddiyada doorashada.

Saacadaha Soo aadan ayaa la filayaa in warsaxaafadeed la xiriira tabashadooda doorashada iyo sida ay doonayaan in ay dhacdo ay soo saaraan musharixiinta ku shirsan Magaalada Muqdisho, xili dowladda Federaalka Soomaaliya ay tababar magaalada Muqdisho uga furtay guddiyada lagu muransan yahay, iyagoona maalmaha soo aadan bilaabi doono shaqooyinkooda.