Somali News

Shirka musharaxiinta oo maalinkii 5-aad galay iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho-KNN-Waxaa maalinkiisii shanaad galay shirka midowga musharaxiinta uga socda magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii u dambeeyey ay ku biireen dhinacyo hor leh oo aragtidooda ku biiriyey xubnaha shiraya.

Shirka ayaa saakay sidii caadi aheydba ka bilaawday hotelka uu ka socday ee Jaziira, waxaana lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maanta.

Dhinacyada shiraya ayaa aragtiyadooda shalay iyo maalmihii ka horeeyey ka dhageystay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, culimada, ururada bulshada rayidka iyo siyaasiyiinta kale, sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa gelinkii dambe ee shalay ka qeyb galay shirka, iyagoo aragtidooda ku biiriyey.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn isha ugu haya waxa ka soo bixi doona shirkaas, iyadoo lagu wado in maanta war-murtiyeed ay ku mideysanyihiin musharaxiintu laga soo saaro.