Uncategorized

Shirka Suufiyada Aduunka oo muqdisho ka furmay + SAWIRO

Muqdisho-KNN-Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay shir Caalami ah oo ay ka qayb galayaan Culimada Suufada aduunka waxa uuna socon doonaa muddo labo maalmood ah sida ay sheegeen Culimada.

Jaamacadda Imaamu Shaafici oo ka mid ah Jaamcadaha magaalada Muqdisho ayaa soo qaban qaabisay shirkaan ,waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Culimada ka qeybgashay shirkan waxaa ay ka kala socdaan Waddamada kala ah: Ciraaq, Masar,Turkey, Aljeeriya, Marooko, British, Sudan, Jabuuti, Jordan iyo Senegal, iyo Soomaaliya.

Dhinaca Dowladda Soomaaliya waxaa uga qeybgalay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ahna aas aasaha Jaamacadda Imaamu Shaafici C/Qaadir Macallin Nuur,Xeer ilaaliyaha Qaranka Amxed Cali Daahir iuo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Amaanka goobta uu shirka ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana sugaya Ciidamada amaanka Soomaaliya, culimada ayaa sanad walba sidaan oo kale shirka isugu yimaada, waxaana sanadkiiba mar ay ku shiraan mid ka mid ah wadamada Caalamka.