Somali News

Shirka Wadamada Khalijka oo maanta ka furmaya Dalka Sacuudiga

Shirka 41aad ee Golaha iskaashiga wadamada khaliijka ayaa maanta ka furmaya magaalada Calaa ee Dalka Sacuudiga.


Dhaxal sugaha Dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax badan ay ka filayaan in shirka uu kasoo baxo oo ay ugu horeyso sidii laiskaga kaashan lahaa horumarinta Dhaqaalaha iyo ka hortaga cudurka Covid-19.


Waqti hore Wadamada Imaaradka Sacuudiga iyo baxareyn ayaa la tilmaamay inay qaaden xayiraadi ay kusoo rogeen Qatar bishi June 2017kii, waxaana la filayaa in Shirka sanadkaan uu ka qeyb galo Amiirka Dalka Qatar.