Somali News

Shirka wasiirada amniga ee M/Gobaleedyada oo maalintii labaad galay.

Kismaayo-KNN– Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalintii labaad ka soconaya Shirka Wasiirada amniga iyo taliyaasha ciidanka Maamul Gobaleedyada ka jira.

 

 

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay furay shirka Wasiirada amniga ee dowlad Gobaleedyada.

 

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaalada amni ee deegaanada maamul gobaleedyada iyo arimo kale.

 

Wasiirada amniga iyo taliyaasha ciidanka ee dowlad Gobaleedyada ayaa maanta lagu soo waramayaa in ay ka doodayaan sidii loo sameyn lahaa 4 kun oo askari.

 

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka wasiirada amniga iyo taliyaasha ciidanka dowlad Gobaleedyada.