Somali News

Shirka xeer ilaaliyaasha dalka oo ka furmay Baydhabo

Baydhabo-KNN-Shirka sanadlaha ah ee xeer ilaaliyaasha Soomaaliya ayaa goordhaw ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed  Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir iyo xeer ilaaliyaasha maamul goboleedyada dalka ka jira sida, Jubbaland, Hir-Shabeelle,Puntland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxa uuna soca doonaa  muddo seddaxd maalmood ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yusuf Axmed ayaa furay Baydhabo ka furay Shirka.

Shirkaan ayaa waxaa la sheegay in diiradda lagu saarayo arimaha xeer ilaalinta dalka waxyaabihii u qabsoomay iyo sidii loo xoojin lahaa.