Muqdisho-KNN-Shirkad ka shaqaysa hilibka oo laga leeyahya Wadanka Mareeykanka ayaa ogolaatay in ay bixiso hal million oo dollar oo ay siineeyso shaqaale Soomaali u badan oo shirkadda ka dacwooday.
Waxaa socota dhexdhexaadin uu garwadeen kayahay guddi mareeykanka u qaabilsan Sinaanta shaqadda, waxayna guddigu ku dhawaaqeen in ay Shirkaddu diyaar u tahay in ay magdhow siiso guddiga Dacwadda ka gudbiyay.
Shaqaalaha oo u badan kuwo kasoo jeeda Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaddu ay u diiday in ay Salaadda Tukadan, taasi oo keentay in Qaar shaqaalaha ka mid ah shaqadda ka tagaan.
Shirkadda oo lagu magacaabo Cargill ayaa waxaa dacwadda ka gudbiyay shaqaalemusliin ah oo tiradoodu dhantahay 130 qof.