Uncategorized

Shirkada DP World oo laga Mamnuucay Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta dalka ka Mamnuucay Shirkada Dp World, kadib markii maanta ay ka doodeen sidii laga yeelilahaa Shirkadaasi, waxayna  isku raaceen in dalka laga Mamnuuco shirkada DP World, waxa ayna soo jeediyeen qodobadaan.

  1. Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn
  2. Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.
  3. Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si bareer ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanidu midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.