Uncategorized

Shirkada DPWorld ”Soomaaliland waa dal ka madaxbanaan Soomaaliya”

Muqdisho-KNN- Shirkadda DPworld ee laga leeyahay dalka imaaraatka ayaa waxaa masuulka ugu sareeya uu sheegay in Soomaaliland ay ka madaxbanaantahay Soomaaliya inteeda kale.

Madaxda shirkadda DPworld Suldaan Axmed Bin Suleymaan oo la hadlay warbaahinta Imaaratka ayaa sheegay in hadalka dowladda Federaalka aanu iyagu quseyn, isla markaana ay tahay Somaliland dowlad madax banaan.

“Dowladda Federaalka wax shaqa ah kuma laha heshiiskaas, Soomaaliland waa dal madax banaan oo mudo 28 Sano ah amni ah oo isku-tashaday, heshiiskaas waxaa meel mariyay baarlamaanka Soomaaliland, dowladda somaaliyana awood uma laha in ay naga joojiso ama wax ka bedesho ayuu yiri  Suldaan Ahmed Bin Suleymaan”

Agaasimaha ayaa sidoo kale Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Hadalka ka soo baxay masuulka shirkada Dpworld ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay sharci daro ku tilmaamtay heshiiska berbera.