Somali News

Shirkadda Qatar Airways oo maanta duulimaadyo toos ah ka bilaawday Muqdisho

Muqdisho-KNN-Magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta sirasmi ah uga  bilaawday duulimaadyo toos ah Shirkadda Diyaaradaha ee Qatar Airways, waxeyna galinkii dambe ee maanta ay soo caga dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ay ka bilaabeyso Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde,waxaana munaasabadaas ka qeyb galay Mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo sidoo kale danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya.

Diyaaradaha Qatar Airways ayaa duulimaadkeedu waxa uu noqon doonaa Muqdisho-Doha, Doha-Mqudisho, waxeyna Todobaadkii Muqdisho kasoo dagi doontaa Seddax maalin, iyadoo maanta rakaabkii ugu horeeyay keentay Magalada Muqdisho,kuwaas oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib, waxeyna Muqdisho markii ugu horeysay ka qaaday rakaab kale.

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa ah shirkadii afaraad ee duulimaad heer Caalami ah ka bilaawday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxeyna kusoo biirtay Shirkadaha kala ah, Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti, waxeyna maanta Diyaaradaha Qatar Airways taransid ahaan ugu soo hakatay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka DJabuuti.