Somali News

Shirkaddii Turkiga ee dhismaha ka waday wadada xiriirisa Afgooye iyo Muqdisho oo qalabkeedii la soo noqotay

Shirkadda Turkiga ee dhismaha ka wada wadada xiriirisa magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose iyo magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba joojiyay hawlihii dhismo ee ay ka wadeen wadadaasi.

Shirkadda ayaa maanta bilowday in ay qalabkeeda dib ugasoo rarto ee ay ku shaqaynayeen, iyadoo usoo daabushay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Idaacadda Kulmiye weli ma aysan helin xogta dhabta ah ee ka dambaysa soo raritaanka qalabka shirkadaasi iyo in ay shirkaddu hakisay gebi ahaanba hawlihii dhismahaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay la beegsanayaan Injineerada u dhashay dalka Turkiga ee dhismaha ka wada wadadaasi aan soo xusnay, waxaana weeraradaasi ay kala kulmaan waxyeello kala duwan

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga mar uu ka hadlayay qarax shalay lala beegsaday Injineeradaasi uu sheegay in aysan hakin doonin weerarada ay gaystaan Shabaab hawlaha ay ka hayaan Soomaaliya iyo garab Istaagga dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.