Uncategorized

Shirkado iyo Shaqsiyaad Soomaali ay ku jiraan oo Mareykanka Cuna qabateeyay.

Muqdisho-KNN-Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in  cunuqabateyno ay ku soo rogeen Dad iyo shirkado ay ku eedeeyeen in taageereen kooxda Daacish.

Mareykanaka ayaa Jimcihii shalay sheegay in sedax ruux oo u kala dhalatay Dalalka Soomaaliya, Filabiin, iyo Tiurkiga iyo Sedax Shirkadood oo ay ku eedeysay in xariir gaancsi ay la la yeesheen  Kooxda la magac baxday Dowlada Islaamka ee Daacish ku soo rogay Cuna qabateyno.

Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay inuu dhaqaale iyo agabba ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Filibbiin.

Waxa sidoo kale cuna-qabateyn lagu soo rogey Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik ee fadhigeedu yahay Turkiga, kaas oo lagu eedeyay in uu qeybo ka mid ah diyaradaha iswada uu u fududeeyay ISIS.

Mareykanka, ayaa sidoo kale xannibaad dhaqaale ku soo rogey, Maxamed Mire Cali Yuusuf, iyo shirkadihiisa Liibaan Trading and Al Mutafaq Commercial Company, sababtoo ah bey yiraahdeen doorkiisa ku aaddan taageerada ISIS ee Soomaaliya.

Maxamed Mire Cali Maxamed oo ah Muwaadhinka Soomaaliyeed ayaa iska fogeeyay eedeynta loo soo jeediyay wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Magaca waaaxda lacagaha Mareykanka ay soo eedeysay uusan aheen asag, Maadaama uu tilmaay in magacaas iyo magaciisa ay kala duwan yihiin.

Waaxda lacagaha ee mareykanka ayaa muwaadhinka Soomaaliyeed magaciisa ku sheegtay Maxamed Mire Cali Yuusuf, halka asaga sheegay in lan yiraahdo Maxamed Mire Cali Maxamed.