Somali News

Shirkii Afisiyooni oo socda iyo qodabada qaar oo isfaham laga gaaray

Iyadoo uu magaalada Muqdisho shir uga socdo madaxda dowladda  federaalka, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa la soo sheegaya in madaxda isaham ka gaareen  qodobada qaar ee salka u ah muranka doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda ay isku afgarteen in la ballaariyo furitaanka shirka, isla markaasna ka soo qeyb-gallaan madaxdii hore ee dalka iyo xubnaha mucaaradka.

Ilo ku dhow shirka u socda madaxda dowladda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa sheegaya in shirka ku biiri doonaan Guddoomiyeyaasha Labada golle Baarlamaanka Aqalka Sarre iyo Golaha Shacabka, Madaxweynayaashii hore, Ra’iisul Wasaarayaashii, qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxda ku shirsan Teendhada Afesiyooni ayaa waxaa la filayaa in ay soo saaraan war-murtiyeed, kaasi oo ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay isku afgarteen wadahadaladii u socday mudada shanta cisho ah.

War-murtiyeenka kadib, madaxda ayaa maalinta sabti isugu imaanaya shir waynaha doorashada, kaasi oo looga hadlayo khilaafka xooggan ee ka taagan doorashada Soomaaliya.