Uncategorized

Shirkii Dib-u-eegista Dastuurka oo la shaaciyay inuu Dib u dhacay

Muqdisho–KNN–Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka Dalka oo lagu waday in Maanta uu si rasmi ah uga furmo Magaalada Muqdisho ayaa la shaaciyey in dib loo dhigay, ka dib markii caqabado dhowr ahi ay ka hor yimaadeen

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka kaasi oo qorshihiisu ahaa in uu Maanta  oo ay taariikhdu ku beegan tahay 08da October uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Shir weynahan oo daah fur u ahaa qorshaha dib u eegista Dastuurka Dalka ayaa waxaa mudooyinkan qaban qaabadiisa waday Wasaaradda,waxaana Qorshahu ahaa in ay  ka qeybgalaan ku dhowaad 500 ruux oo qeybaha bulshada,siyaasiyiin iyo qurbo joog isugu jira ayadoo .

Dhinaca kale,  guddiga madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dastuurka ee baarlamaanka ayaa shir jaraa’id oo si wadajir ah u ugu qabtay  Muqdisho,waxaana ay ka soo horjeesteen in la qabto Shirka Arrimaha Dastuurka.

 

Sidoo kale waxaa Shirkaan inuu furmo ka soo horjeestay Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya.