Somali News

Shirkii Dowladda dhexe iyo dowlad Gobaleedyada oo maalintii labaad ka socda Garoowe.

Muqdisho-KNN-Magaalada Garoowe ayaa saakay waxaa maalintii 2aad ka soconaya shirka madaxda dowladda dhexe , kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulamadaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xallinta khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya  iyo kuwa Maamul goboleedyada, arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, doorashooyinka dalka, dhammaystirka dastuurka iyo qaybsiga khayraadka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajio ayaa shalay furay shirka, waxaana goobta ku sugnaa R/Wasaare Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.