Somali News

Shirkii Garoowe oo maalintii sedexaad galay.

Garoowe-KNN-Wararka maanta laga helayo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in weli uu shir xasaasi ah uu ka socdo magaaladaasi, kaasi oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul gobaleeddyada ka jira dalka.

Shirkaan oo ahaa kii ugu xasaasinaa ee madaxdaan dhexmara ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin, doorashooyinka, Dastuurka, qeybsiga Kheyraadka iyo Arrimaha Awood qeybsiga, iyada oo waqti dheer uu qaatay shirka.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in madaxda ay isku fahmi la’yihiin qodobo xasasaasi ah oo qeyb ka ah dastuurka KMG ah ee Dalka, maadaama haatan ay socdaan xalin ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Dowlad gobaleedyada ka jira dalka.

Shirkan ayaa galay Maalintii sedexaad, iyadoona madaxda ay wadaan is qancin dhexdooda ah.