Uncategorized

Shirkii Golaha amniga Qaranka oo markale dib u dhac uu ku yimid

Baydhabo-KNN-Shirka Golaha amniga Qaranka ee u dhaxeya madaxda dowlada Fedralka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ayaa markii labaad oo is xigta dib u dhac ku yimid.

Waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay isniintii la soo dhaafay ilaa shalay oo arbaco ahayd ka socday shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada kaasi oo qorshaha ahaa inuu xigsado shirka madaxda sare ee dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ee amniga qaranka ku  mideysan sida uu Axadi aynu soo gudubnay magaalada Baydhaba ka sheegay Axmed Ducaale Geele xaaf madaxweynaha maamulka Galmudug.

Warar soo baxay Talaadii ayaa waxaa heegayeen in Arbacadi shalay ahayd uu magaalada Baydhaba ku wajahnaa Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan si uu uga qeybgalo shirka baaqday ee Golaha amniga qaranka,

Gudoomiye Maxamed Mursal ayaa matali lahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ugu maqnay magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ilo ku dhaw madaxweynaha dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaan inoo xaqiijiyay in shirka uu dib u dhac ku yimid , waxaasna jirta in madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas uu dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Sidoo kale warar ayaa shegaya in isla maanta un madaxweynaha Hirshabeele ku wajahanyahay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.