Muqdisho-KNN- Waxaa goordhaweyd ku soo dhammaaday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug shir uga socday madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Siciid Cabdullaahi Deni.
Shirka labada madaxweyne oo saacadihii la soo dhaafay ahaa mid la hadal hayay, ayaa waxa uu ku soo dhammaaday guul iyo isfaham ay isla qaateen labada masuul.
Waxyaabihii shirka la iskula afgartay ayaa waxaa ka mid ahaa in ay labada maamul iska kaashadaan dhinacyada Amniga, dib u heshiisiinta, nabadda guud iyo in gacan iska siiyaan kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeennimadii xalay ahayd ku hoyday magaalada Gaalkacyo, waxa uu weli ku sugan yahay isla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, lamana oga mudada uu halkaasi ku sugnaan doono.