Somali News

Shirkii Oslo ee Dalka Norway oo Furmay iyo R/W kheyrre oo Khudbad ka jeedinaya.

Oslo-KNN-Shirka Madasha Oslo ayaa maanta ka Furmay Wadanka Norway gar ahaan Magaalada madashu magaceeda wadato ee Oslo, waxaana ka qayb galaya Masuuliyiin heerkoodu Sareeyo.

Kulanka Madashaan waxaa wada jir usoo qabanqaabiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway iyo Xarunta Wada hadalka Banii-aadanimadda.

Xog hayaha Guud ee QM ontonio gutters ayaa ka qaybgalaya shirka iyo ergo laga casuumay Dalal badan iyo ururro Nabadda Daneeya.

Furitaanka Madashaan waa masraxa Hore ee marti maanta Fariistay Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre, Xoghayaha Guud ee QM Antonio guterres iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway Ine Eriksen.

Shirkaan waxaa Diiradda lagu saarayaa Arrimaha Dhexdhexaadinta, Nabadda iyo caqabadaha ka jira Dalalka ay xasaruduhu ka aloosanyihiin.

Sawirro lasoo qaaday oo lasoo dhigay twitter-ka ayaa muujinaya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre oo sharaxaadiisa ay dhageeysanayaan Martida madasha, Xoghayaha guud ee QM iyo Wasirka Arrimaha Dibadda ee Norway oo ay masraxa wada fadhiyaan.

“Waan ku faraxsanahy in aan ku biiro Danjiraha 1 aad ee dunida Antonio Guteress iyo Oslo forum oo ku saabsan horumarnta dhexdhexaadinta khilaafaadka. Somaaliya wax badan ayey tahay in ay lawadaagto wixii laga soo shaqeeyay iyo sida u jeedadeenu u tahay dib u dhiska iyo mideeynta dhamaan Soomaalida” ayuu soo qoray Ra’iisul wasaare khayre oo adeegsanaya bartiisa twitter-ka.

Xoghayaha Guud ee QM ayaa isaguna sheegay in ay muhiim tahay in la helo Haween badan oo dhex dhexaadiye yaal ah wuxuuna yiri “Haweenku waa nabad dhiseyaal weeyn”.