Somali News

Shirkii Trump iyo Kim oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

Muqdisho-KNN-Waxaa soo idlaaday shirkii ay lahaayeen hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong-Un iyo madaxwaynaha mareykanka Donald  Trump iyadoona lagaarin wax heshiis ah sida uu sheegay aqalka cad ee dalka mareykanka.

Inkastoo lasheegayo in labada hogaamiye ee kulan wax ku ool ah ku yeesheen magaalada Hanooy ee caasimada u ah dalka Vietnam haddana waxaa lasheegayaa in ay jiraan waxyaabo ay isku fahmi waayeen sida baabi’inta hubka Niyukleerka.

Hogaamiye Kim ayaa sheegay in uusan balan qaadi Karin baabi’inta warshadaha soo saaro hubka Niyukleerka tan iyo inta waqooyiga kuuriya laga qaadayo xayiraada caalamiga ah ee saaran.

in aan baabi’ino hubkeena Niyukleerka, Mareykanka uusii wado cunaqateenta waxa ay dhaawici kartaa rajada shacabkeena ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Kim. 

Kulankan kii ka horeeyay ayay labada hogaamiye ku yeesheen dalka Singapore bishii June ee sanadkii hore iyagoona waqtigaasi kala saxiixday heshiisyo dhawr oo illaa iyo haatan aanan laga gaarin horumar lataaban karo.