Somali News

Shirkii wasiiro dibadeedyada ee Jabuuti oo war laga soo saaray

Jabuuti-KNN-Shir wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, iyo Ereteria, ay xalay ku yeesheen magaalada Jabuuti ayaa waxa laga soo saaray war murtiyeed kooban oo muujinaya waxyaabihii ay kulankooda kaga hadleen.

Sababta booqashadooda Jabuuti iyo Kulankoodaba ayaa warkan lagu sheegay, waxa ayna tahay sidii loo xallin lahaa khilaafaadka ragaadiyay gobolka geeska Afrika iyo sidii loo xoogin lahaa ammaanka iyo xasiloonida, si loo helo iskaashi iyo isdhexgal dhaqaale.

Isbadallo iyo firfircooni aan yareyn oo iskaashi ku saleysan ayaa gobolka ka bilaawday waxaansa la ogeyn sida Soomaalidu ay arintan kaga fa’iideysan karto.