Uncategorized

Shirkii Xal u raadinta dagaal Beeleedka Gaalkacyo oo galay Maalintii labaad.

Gaalkacyo-KNN-C/Xakiin Xaaji Cameey iyo Maxamed Xaashi Carabey oo ah Madaxweyne ku xigeenada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta mar kale yeeshay kulan kale oo daba jooga kii shalay ee Xalka looga raadinayay dhibaatooyinka ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Kulanka maanta ka socda Gaalkacyo ayaa Madaxda Galmudug iyo Puntland ku wehliya oo ku biiray Odayaasha dhaqanka iyo Culimada diinta oo ay ka soo jeedaan Beelo muddo badan ku dagaalamayay Gaalkacyo kuwaas oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Waxyaabaha diiradda lagu saarayo ayaa waxaa ka mid ah amaanka Guud ahaan Gaalkacyo iyo sidii Xal loogu heli lahaa dilalka Qaraxyada iyo Dagaal beeleedyada ragaadiyay Gaalkacyo.

Markii ay kulamadaasi dhamaadaan ayaa la filayaa in laga soo saaro Qodobo labada dhinac ay isku afgarteen.