Somali News

Shirweyne looga hadlayo wada hadallada Somalia iyo Somaliland oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirweyne looga hadlayo arrimaha dar-dar gelinta wada hadallada Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Shirweynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay waxgarad iyo xubno kale oo matalayay Soomaaliland iyo Bulshada rayidka ah.

Waxaana soo qaban qaabiyay shirweynahan guddiga uu arrintan u xilsaaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa xusid mudan in dhowr jeer isku dayo lagu doonayay in lagu wada hadalsiiyo Soomaaliland iyo Soomaaliya lagu guul daraystay.