Somali News

Si haya xilka R/wasaaraha dalka oo shir la qaatay hay’adaha ammaanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay laamaha amniga dalka.

Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mudane Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii Al-shabaab ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si shacabka ay u helaan amni la isku halleyn karo.

Khasaaraha ugu badan ee weerarka hotel Elite ayaa waxaa uu ka soo gaaray dadka rayidka, kadib markii gaari ku qarxay agagaarka iridka hore ee laga galo hotelka.

Dadka weerarkaan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi iyo Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga XFS

Sidoo kale waxaa dadka ku dhaawacmay kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan.